Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan

Published: June 7, 2022

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sare u qaaday qiimaha Xajka ee sanadkan, sida lagu sheegay warsaxafaadeed kasoo baxay guddiga sare ee qaabilsan adeegga Xajka.

Qoraalka guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in qiimaha Xajadka ee sanadkan lagu jaan-gooyey lacag dhan $5,230,00 (Shan kun labo boqol iyo soddon Dollar), kadib markii uu qiimayn ku sameeyay daruufaha iyo isbeddelada ku yimid adeegyada Xajka ee Sacuudiga.

Sidoo kale guddiga ayaa faray shirkadaha ka shaqeeya adeegayada Xujeyda Soomaaliyeed in ay sare u qaadaan tayada adeegooda, isla-markaana ay la yimaadaan hufnaan.

Qiimaha horay loogu tagi jiray Xajka ayaa ahaa $3800, iyada oo sanadkan lagu kordhiyay $1430.

Soomaaliya waxaa sanadkan u baxaya xujay gaaraysa 5,000 waxaana qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka kajira ay cabasho ka muujiyeen saamiga ay ha helaan tiradaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *