Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in dagaal uu ka dhex qarxay Al-shabaab

Published: January 1, 2023

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dagaal ka dhex qarxay Ururka Al-shabaab ee ku sugan  degmada Xarardgeere ee gobolka Mudug.

War ka Dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in dagaal xoogan uu ku dhexmaray xubno ka wada tirsan Al-shabaab nawaaxiga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, kaasoo socday mudo ku dhaw hal saac oo xiriir ah.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid kadib markii xubno ka tirsan kooxda ay qoraheeyeen iney ka baxsadaan gacanta Al-shabaab oo ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Warka Dowlada ayaa lagu sheegay inay dagaalkaasi ku dhinteen 10 kamid ah xubnaha Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in la xirxiray qaar kamid ah xubnaha Al-Shabaab ee wada dagaalamay, islamarkaana amaro cusub lagu soo rogay dhamaan xubnaha kale ee ku sugan degmada Xarardheere iyo nawaaxigeeda.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ay sheegtay dowladda Soomaaliya inuu ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Horseed Media