Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay safaarad ka furaneyso dalka Morocco

Published: September 24, 2022
Shares24

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Qarammada Midoobay ee New York Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Boqortooyada Morocco Nasser Bourita iyo wafti uu hoggaaminayay. 

Labada Wasiir ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada diblomaasiyadda, waxbarashada iyo horumarka dhaqaalaha.

Wasiir Abshir Cumar Huruuse oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay safaarad ka furaneyso magaalada Rabat iyo qunsuliyadda guud ee magaalada Dakhla ee dalka Morroco.

“Soomaaliya waxay go’aansatey inay safaarad ka furato Rabat iyo Qunsuliyadda guud ee Dakhla,” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Ugu dambeyn Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in la saxiixi doono qorshaha iskaashiga labada dal.

Horseed Media