Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay Al-Shabaab kala wareegeen Ruunnirgood

Published: December 22, 2022
Shares2

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay Al-Shabaab kala wareegeen Degmada Ruun Nirgood oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Afhayeen Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Cali Caanood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay gacanta ku dhigeen Degmada Ruunirgood iyo deegaanno hoostaga degmadaas.

Gen. Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay howlgalka ka socday degmada Ruunirgood ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku dileen ugu yaraan 150 xubnood oo ka tirsan AL-Shabaab, halka ay 15 maxaabiis ah lagu soo qabtay iyada oo lagu dilay 5 xubnood oo ajaanib ah, waa sida uu hadalka uu u dhigay.

Dhanka kale Afhayeen Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in gudaha degmada ay u galeen Ciidanka Dowladda kuwaas oo ka bilaabay miino baaris.

Sidoo kale Afhayeen Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in guud ahaan deegaannada Hirshabeelle laga saaray Al-Shabaab, marka laga reebo galbeedka Gobolka Hiiraan iyo galbeedka Gobolka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo sheegay in dhawaan laga saari doona.

Horseed Media