Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay howlgal ku dishay 61 Al-Shabaab ah

Published: January 9, 2023
Shares18

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay 61 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab kadib markii ciidamada dowladda oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Xawaadley ee dhaca gobolka Shabeellaha dhexe.

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka ay ku burburiyeen laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale Dowladda ayaansheegtay howlgalkaan lagu beegsaday xubno katirsan Al-shabaab oo lagu qiyaasay 150, oo doonayay inay weeraraan ciidanka xoogga dalka.

War saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu soo gabagabeeyey “Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay ka foojiganyihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed”.

Horseed Media