Dowladda Turkiga oo ballan qaaday dhismaha xarunta Baarlamaanka Soomaaliya

Published: May 29, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya JFS Amb. Mehmet Yilmaz.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka guddoomay  Salaan iyo Hambalyo ku aaddan dooraashadii 15 May ee ka dhacday Teendhada Afasiyooni  laguna doortay Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Safiirka ayaa Gudoomiyaha u sheegay in dowladda Turkiga ay  ballan qaadeyso dhismaha xarunta  Baarlaanka, tayeeynta shaqaalihiisa iyo tababarada ay siiyaan ciidanka Qalabka sida ee JFS.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo geba-gebada kulanka dhankiisa ka hadlay ayaa  dowladda Turkiga  ku boggaadiyay teegeeradda joogtada ah ay siiyaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *