Dowladda Ukraine oo kahor timid xabad-joojn kumeel gaar ah oo uu dhawaaqay Madaxweyne Putin

Published: January 6, 2023

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inaysan macquul ahayn xabad-joojnta kumeel gaarka ah ee uu dhawaaqay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin

La-Taliyaha Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine Mykhailo Podolyak ayaa sheegay inay Xabbad-Joojinta suurtogal noqon karto marka ay Ciiddanka Raashiyaanka ka wada baxaan Xuduudaha ay Ukraine ka qabsadeen.

Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka ayuu ku muujiyey inaysan Ukraine weerarin Xuduudka dal Shisheeye iyo inaysan dilin dad Rayid ah, balse ay keliya burburiyeen kuwii soo dilay.

Waxa uu sii raaciyey inay Ciiddanka Raashiya yihiin kuwii soo duulay ee dilay dadka Rayidka, isla markaana burburiyey magaallooyinka iyo Kaabayaasha Asaasiga u ah Nolosha Bulshada.

Hadalka Dowladda Ukraine waxa uu daba jooga dadaalkii Madaxweynaha Ruushka oo ku dhawaaqay Xabbad-Joojin kumeel gaar ah muddo 24 saac ah, laga bilaabo 12-ka saac ee saqda Dhexe ee caawa ilaa Habeen dambe (January 6 ilaa January 7-da).

Horseed Media