Published: January 4, 2020

Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar xagga cirka ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Dawlada iyo Taliska Ciidamada Maraykanka ee Africom in lagu dilay 3 rag ah oo ka tirsan Ururka Alshabaab.
Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaan uu ka dhacay deegaanka Bariire oo qiyaas ahaan Magaalada Muqdisho u jirra 45 Killometer, Sidoo kale dawladu waxay xaqiijisay in dadka shacabka ah aysan waxba kasoo gaarin, waxayna sheegeen in hawlgaladaan ay yihiin kuwa looga hortagayo ururka Alshabaab.
Horseed Media, 2019