Duqeyntii Israa’iil la beegsatay Iskool ay shacab ku sugnaayeen oo ay ku dhinteen 100 qof

Published: August 10, 2024

Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay dhismaha Iskuulka Qaza oo ay ku nool yihiin qoysas barakacayaal ah ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad ​​100 qof subaxnimadii Sabtidii, weerar ay milatariga Israa’iil ku sheegeen in lagu bartilmaameedsaday ururka Xamaas iyo maleeshiyada Jihaad Islaami ee halkaas ka howlgala.

Xafiiska warbaahinta ee Xamaas ay maamusho ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duqaymahaasi ay ku dheceen xili ay dad gabaad ka dhiganayay Iskuulka ay ku tukanayeen salaada Subax, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Ku dhawaad ​​6,000 oo qof ayaa ku hoyday xarunta.

Xamaas ayaa sheegtay in duqeyntan tahay dambi aad u fool xun. Izzat El-Reshiq, oo xubin ka ah xafiiska siyaasadda ee Xamaas, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dadka dhintay uusan ku jirin “hal dagaalame”.

Khabiir madax-banaan oo Qaramada Midoobay ay magacawday ayaa ku eedeeyay Israa’iil inay “xasuuq” geysatay.

Horseed Media