Duufaanta Florence oo gaartay gobalada Bariga Maraykanka – VIDEO

Published: September 14, 2018

Duufaanta Florence ayaa saaka oo Jimce ah gaartay xeebaha gobalada North Carolina iyo South Carolina ee xeebaha bariga dalkaasi Maraykanka.

Dabeylaha iyo roobka ay duufaantan wadato ayaa durbaba fatahaad ka dhaliyey qeyb kamid ah labadaasi gobal ee saaran xeebta bada Atlantic-ga, waxaana la filayaa in duufaanta maanta gudaha usii gasho dhulkaasi walow ay hoos u dhaceen awooda dabeylaha duufaantan.

Dad ku dhaw 100 kun qof oo ku nool gobalka North Carolina ayaa la sheegay in guryahooda ay ka go`antahay korontada, xili weli duufaantan wada gaarin gobaladaasi.

Guddoomiyaha gobalka North Carolina oo ugu baaqay shacabka inay isaga qaxaan goobaha la filayo inay duufaantan ku dhufato ayaa sheegay in khatarta ugu weyn ay tahay fatahaada la filayo inay ka dhashaan biyaha duufaatan wadato.

Sida ay sheegeen khubarada Duufaantan iyo roobka ay wadato ayaa la filayaa inay muddo sadex maalmood ah keenaan biyo aad u badan oo u dhigma 8 bilood oo roob xariir ah socday, waa siday hadalka u dhigeenee.

Kumanaan kun oo shacab ah oo guryahooda ka qaxay ayaa gabaad ka dhigtay 126 goobood oo ay dowlada u diyaarisay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *