Walaaca laga qabo iskahorimaadka ballaaran oo ka dhaca Bariga Dhexe ayaa sababay in shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ay joojiyaan duullimaadyada gobolka ama si ay uga fogaadaan hawada goobaha laga cabsi qabo.
Hoos ka akhriso qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha ee wax ka beddelay duulimaadka:
Aegean Airlines
Diyaarada Giriiga ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay magalooyinka; Amman ilaa Sebtember 30, Beirut ilaa Oct. 1 iyo Tel Aviv ilaa Oct. 26.
Diyaarada Aljeeriya
Diyaaradda Aljeeriya ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay iyo ka iman jirtay Lubnaan ilaa amar dambe.
AirBaltic
Shirkada Latvia ee airBaltic ayaa joojisay duulimaadyadii aadi jiray kana iman jirtay Tel Aviv ilaa Sebtember 1.
Air France-KLM
Diyaaradda Air France ayaa joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Tel Aviv iyo Beirut ilaa ugu yaraan 26-ka Agoosto kadib markii gantaalo ay isweydaarsadeen Israa’iil iyo Xisbullah 25-kii Agoosto.
KLM ayaa joojisay dhamaan duulimaadyadii tagi jiray Tel Aviv ilaa Oktoobar 26.
Air India
Shirkada duulimaadka ee Hindiya waxay hakisay duulimaadyadii qorshaysnaa ee ka iman jiray Tel Aviv ilaa amar dambe.
Cathay Pacific
Cathay Pacific oo fadhigeedu yahay Hong Kong ayaa joojisay dhammaan duullimaadyadii Tel Aviv ilaa Maarso 27, 2025.
Delta
Shirkada Mareykanka ayaa hakisay duulimaadyadii u dhaxeeyay New York iyo Tel Aviv ilaa Oktoobar 31.
EasyJet
Diyaaradda fadhigeedu yahay UK waxay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Tel Aviv bishii Abriil waxayna dib u bilaabi doontaa duulimaadkeeda Maarso 30, 2025.
IAG
British Airways oo ay leedahay IAG ayaa hakisay duulimaadyadii ka iman jiray Tel Aviv ilaa Agoosto 28, afhayeen u hadlay shirkadda ayaa sheegay.
Shirkada Isbaanishka ee qiimaha jaban ee Vueling ayaa joojiyay dhammaan duulimaadyadii Tel Aviv iyo Amman ilaa Oktoobar 26.
Iberia Express waxay hakisay duullimaadyadii Tel Aviv ilaa Agoosto 25. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan xaaladda duulimaadyada oo ku soo baxay shabakadeeda Agoosto 26.
ITA Airways
ITA Airways ee Talyaaniga waxay kordhisay hakinta duullimaadyada Tel Aviv ilaa 26ka Agoosto.
LOT
Shirkada Poland ayaa hakiyay duulimaadyadii Tel Aviv ilaa Sebtember 1 iyo Beirut ilaa Sebtember 2.
Lufthansa
Shirkada diyaaradaha ee Jarmalka, oo ay ku jiraan duulimaadyada Swiss International Air Lines, Austrian Airlines, Brussels Airlines, Condor iyo Eurowings, waxay dib u bilaabi doonaan duullimaadyada Amman iyo Erbil laga bilaabo Agoosto 27, laakiin waxay kordhiyeen joojinta Tel Aviv iyo Tehran ilaa Sebtembar 2. Duulimaadyada ku socda Beirut waxa la hakiyay ilaa Sebtember 30.
Ryanair
Diyaaradda qiimaha jaban ee ugu weyn Yurub ayaa joojisay duulimaadyadii Tel Aviv ilaa Sebtember 30.
Jordan Air
Shirkada Urdun ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Beirut Agoosto 25.
SunExpress
SunExpress, oo ay iska kaashadeen Turkish Airlines iyo Lufthansa, ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Beirut ilaa 17-ka December.
TAROM
Shirkada Romania ayaa joojisay duulimaadyadii Tel Aviv Agoosto 25-26. Waxay horey u kordhisay hakinta duulimaadyada Beirut ilaa Sebtember 2.
United Airlines
Shirkadda diyaaradaha ee fadhigeedu yahay Chicago ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Tel Aviv mustaqbalka dhow sababo dhinaca ammaanka ah.
Digniinaha hawada Lubnaan
Britain ayaa kula talisay shirkadaha diyaaradaha ee UK in aysan soo galin hawada Lubnaan laga bilaabo Agoosto 8 ilaa 4-ta Noofambar iyada oo tixraacaysa “khatarta suurtagalka ah ee hawlgalada milatari.”
Horseed Media