Duuliye Sare Bashiir Xaaji Cali Oo Lagu Aasay Garoowe

Published: October 11, 2020

Alle ha u naxariistee duuliye sare Bashiir Xaaji Cali ayaa maanta lagu aasay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Marxuumka oo ahaa duuliye diyaaradaha xamuulka iyo ciidamada ayaa ka gaaray derejada (Major) xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay Puntland iyo dowlada federaalka, waxaana uu ahaan jirey Xildhibaan dowladdii kumeelgaarka ahayd.

Duuliye Bashiir ayaa lagu xusuustaa doorkii uu ka qaatay dagaalkii Itoobiya ee 1977, kaasoo dadaalkiisii uu ku mutaystay bilad iyo derejadda gaashaanle dhexe, isagoo isla sanadkaas noqday hogaanka isgaarsiinta booliska Soomaaliya.

Sanadkii 1946 ayuu ku dhashay magaalada Qardho, waxbarashadiisii hoose/dhexe wuxuu ku qaatay Iskuulka Xaaji Mire (Ex Ahliyada) Boosaaso, 1964 ayuu ka baxay dugsiga sare ee Jamaal Cabdinasir.

Sanadkii 2000 waxa uu kamid noqdey Baarlamaankii lagu soo dhisey dalka Jabuuti magaalada Carta.

Wuxuuna warbarasho iyo aqoon kororsi u tagey wadamada Masar, Ruushka, Talyaaniga iyo Jarmalka, Duuliye sare Bashiir Xaaji Cali ayaa ifka kaga tegey 11 Caruur ah afar wiil iyo todoba gabdhood.

Bahda Horseed Media waxay tacsi u direysaa qoyska iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay, rabbi ha u naxariisto.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *