Eheleda marxuum shalay isku daldalay Badhan oo HM la hadlay-Dhageyso

Published: September 24, 2018

Saldhiga dhexe ee magaalada Badhan waxaa maalintii shalay isku daldalay Maxamuud Nadif Suldaan oo sida la sheegay kamid ahaa dadka deegaanka.

Marxuumka isdaldalay ayaa la sheegay in maalmihii ugu dambeeyay uu ahaa mid maskaxdiisa aanay fadhin sida eheladiisa qaar ay noo sheegeen,waxaana uu la kulmayay buuq dhanka maskaxda ah.

Cawil nadiif Suldaan oo ah walaalka marxuumka isdaldalay ayaa HM u sheegay in Marxuumka uu tan iyo arbacadii aynu soo dhaafnay uu ku xirnaa saldhiga degmada Badhan,isla markaana sababaha loo xiray ay qeyb ka ahayd isku buuq iyo isla hadal soo wajahay marxuumka.

Cawil ayaa sidoo kale sheegay in aysan waxba ka jirin wararka qaar ee ay qorayeen warbaahinada Soomaalida kuna saabsana in marxuumka dhintay uu taageersanaa maamulka Somaliland sidaasna uu isku daldalay.

Maxamuud Nadiif Suldaan ayuu sheegay in da`diisa ay ahayd 49-sano jir ku shaqeysan jiray xirfada farshaxanka balse tiisa ay intaasi ku ekeyd kadib markii xaalad caafimaad darro ay kazoo wajahday dhanka Maskaxda.

Waa dhacdo dhif iyo naadir oo ka dhacda gudaha Soomaaliya in ragu ay isdaldalaana mahan wax sahlan iyadoo inta badan la maqlo haween siyaabo kal duwan isku dhaafiyay nafta ama isdaldalay balse dhacdada marxuum Maxamuud Nadiif uu isku dhaafiyay nafta ayaa walaac iyo walbahaar ku abuurtay dadka deegaanka gaar ahaan ehelada uu ka baxay Maxamuud Nadiif.

Hadaba Hoos ka dhageyso wareysiga Cawil Nadiif oo uu la yeeshay Cumar Sicid

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *