Erdogan oo ka hadlay dagaalka Idlib iyo Qaxootiga ay kusii daayeen dalalka Yurub – VIDEO

Published: February 29, 2020

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo maanta oo Sabti ah ka hadlay go’aankii dowladiisa ay ku fasaxday in qaxootiga reer Siiriya u fasaxaan inay u gudbaan dalalka Yurub ayaa sheegay in go’aankaasi uu yahay mid ay ku saxan-yihiin maadaama aysan hada xal u heli karin qaxootiga cusub ee uga imaanaya dalka ay dagaalada ka socdaan ee Siiriya.

Erdogan ayaa arrintan doonaya inuu ku cadaadiyo dalalka Midowga Yurub inay xukuumadiisa gacan kasiiyaan qorshihiisa ku aadan dalka Siiriya.

Xukuumada Turkiga ayaa si weyn uga carootay weerarada cusub ee dowlada Siiriya iyo xulafadooda Ruushka kusoo qaadeen gobalka Idlib ee waqooyiga galbeed Siiriya oo xaduud la wadaaga Turkiga.

Turkiga ayaa habeenimadii Jimcaha soo galayey looga dilay 36 askari duqeyn ay geysteen ciidamada Bashar Al Assad ee Siiriya, arrintaasi oo keentay in Turkigana weerar ku qaado ciidamada Siiriya Jimcihii shalay, waxayna Turkida diyaaradaha drone-ka iyo hubka culus ku duqeeyeen xeryaha ciidamada Siiriya oo la sheegay in duqeyntaasi looga dilay in ka badan 300 askari, waxaana duqeyntaasi Turkiga ku burburiyeen gaadiidka Tangiyada ee ciidamada Siiriya iyo madaafiic.

Ciidamada Turkiga ee ku sugan gobalka Idlib ayaa halkaasi u jooga sidii gobalkaasi looga badbaadin lahaa ciidamada Siiriya maadaama uu gobalkaasi yahay gobalka kaliya oo ay ku hareen xoogaga mucaaridka, Turkida ayaa aaminsan hadii ciidamada Siiriya dhulkaasi qabsadaan in qaxooti badan oo hada ku sugan Idlib ay usoo tilaabi doonaan gudaha wadanka Turkiga.

Erdogan ayaa marar badan ka codsaday dowladaha Midowga Yurub inay gacan kasiiyaan qaxootiga badan ee ka imaanaya Siiriya, wuxuuna Turkiga hada hayaa in ka badan 2 milyan oo qaxooti reer Siiriya ah, balse xukuumada Turkida ayaa sheegtay inaysan ka helin taageero fiican dalalka Yurub, taasina keentay inay hada u fasaxaan qaxootiga inay u tilaabaan dhinaca dalka Giriiga oo ay jaarka yihiin kana tirsan EU-da.

Ruushka iyo Assad
Erdogan ayaa sheegay inuu khadka telefonka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin shalay, isla markaana u sheegay in Ruushka uu faraha kala baxo dagaalka hada u dhaxeeya ciidamada Turkiga iyo kuwa Siiriya ee xukuumada Bashar Al Assad.

Madaxweynaha Turkiga oo maanta khudbad ka jeediyey kulan xisbigiisa AK party ku yeeshay magaalada Istanbul ayaa sheegay inay guulo waaweyn ka gaareen duulaankii aargoosiga ahaa oo ay la beegsadeen ciidamada Siiriya.

“…Waxaan burburinay 97 Taangi, 7 Xarun oo kimikalka lagu sameeyo, 37 Madaafiicda culus (Howitzers), 27 gaadiid kale oo ay wateen ciidamada Bashar al Assad…” ayuu yiri Erdogan oo sheegay inay sii wadi doonaan hawlgalkooda gobalka Idlib.

Turkiga madoonayo inuu dhul-balaarsi ku sameeyo Siiriya, balse hawlgalkan waxaa nagu khasbay xukuumada Bashar Al Assad oo hada khatar ku ah Qarankeena, ayuu yiri Erdogan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *