Ergayga Gaarka Ee Abaaraha Oo Ka Qaybgalay Shir Doceed Shirka Jamciyadda Qaramada Midoobay

Published: September 19, 2022

Ergayga gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya u qaabilsan arrimaha abaaraha iyo bani’aadanimada Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb galay shir doceed dhinac socda shirka Jamciyada Quruumaha ka dhaxaysa ee looga hadlayey badqabka cunta Aftrika.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen wasiiro, madaxda ka tirsan AU, khubaro, iyo ganacsato ayuu ergayga ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay in Soomaaliya ay haatan u bahaan tahay gurmad degdeg ah oo looga jawaabo abaaraha.

Ergayga ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay u baahantahay maalgashi iyo mashaariic horumarineed ee dhanka Beeraha, Xoolaha, Biyaha, Kaluumaysiga si looga hortago abaaraha soo noqnoqonaya.