Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo shaqada banayneysa ka hor muddo xileedkeedi

Published: April 22, 2024

Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Catriona Laing ayaa shaqada ka tegaysa, iyada oo muddo xileedkeedi labada sano aan dhamaysan.

War saxaafadeed maanta lagu daabacay websiteka UNSOM ayaa lagu xaqiijiyey in marwo Catriona Laing ay xafiiska ka tegayso bisha May 2024.

Bayaan ay soo saartey Catriona Laing ayey ku tiri:

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guulaysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo ay weheliyaan saaxiibadayada caalamiga ah ay sii wadi doonaan door muhiim ah oo lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee haya waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayay tiri. “Aniga ahaan Soomaaliya waxay ii tahay meel rajo iyo saaxiibtinimo, waxaana sii wadi doonaa taageerada iyo u doodista Soomaaliya meel kasta oo aan joogo.”

Mrs. Catriona Laing ayaa Soomaaliya loo soo direy bishii May 2023, inta badan ergayga SRSG ayaa muddo xileedkoodu ugu yar yahay laba sano. Waxaa jira warar sheegaya in Dowladda Soomaalya si hoose uga dacwootey in la soo beddelo haddii kale ay dalka ka cayrinayaan.

Catriona Laing ayaa in ka badan 35 sano oo waayo-aragnimo ah u leh diblomaasiyadda, horumarka iyo xiriirka caalamiga ah, iyada oo horay u soo qabtay jagooyin badan oo siyaasadda dawladda UK heer qaran iyo heer caalami, waxaana ay u dhalateydalka UK.

HORSEED MEDIA