Ergayga UNSOM oo la kulantay Ururada Mucaaridka Puntland

Published: November 12, 2023

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing ayaa kulan la yeelatay ururada Mucaaridka Puntland.

Kulankan ka dhacay magaalada Garowe ayaa looga wadahadlay xal u helida khilaafka ka taagan doorashooyinka Puntland.

Ururada Mucaaridka & murashaxiinta xilka Madaxweynaha u tartameysa ayaa weli ku adkeysanaya inaan dib loo dhigin xiliga doorashada 9ka Janaayo 2024.

Catriona Laing ayaa sidoo kale Sabtidii la kulantay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Kulankaas ayaa looga hadlay sidii Puntland u qaadan laheyd doorkeedii muhimka ahaa ee lagu yaqaanay iyo dib usoo celinta wadashaqeynta Federaalka.

Waxaa sidoo kale Madaxtooyada looga hadlay xaaladda bani’aadantinimo ee Gobolka Sool.

Kulamada Beesha Caalamka ayaa garab socda dadaalo ay horey u sameeyeen Issimada Puntland oo soo jeediyey baaqyo ku aadan xalinta khilaafkan.

Horseed Media