Eritrea: Booqashadii Madaxweyne Xasan Shiikh ee Ciidamada Soomaaliyeed

Published: July 10, 2022

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud oo ku sugan dalka Ereteriya ayaa booqday xeryaha ay ku jiraan ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababarayo dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo uu wehliyey dhigiisa Ereteriya Isaias Afwerki ayaa kormeeray xerayaha dhowrkii sanno ee lasoo dhaafay lagu tababarayey ciidamada Soomaaliyeed.

Ciidamada oo dhoolatus muujinaya tababarkii la siiyey kusoo bandhigay goobtaasi ayaa sanadihii lasoo dhaafay dadka qaar si weyn welwel uga qabeen halka ay nolol iyo geeri ku sugan yihiin, waxaana madaxweynaha hadda Xasan Shiikh lagu xasuustaa sidii uu arrintaasi ugu dhaliili jirey dowladii madaxweyne Farmaajo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *