Eritrea oo 16 sano kadib dib ugu biireysa urur goboleedka IGAD

Published: February 10, 2023

Madaxweyneyaasha Kenya iyo Eritrea oo kulamo kala duwan maalmihii lasoo dhaafay ku lahaa magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay qodobo ay kamid yihiin sidii loo fudeyn lahaa socdaalka iyo xiriirka ganacsiga labada wadan ee Kenya iyo Eritrea.

Dhinaca kale madaxweynaha Eritrea ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu mar kale dib ugu biiri doono urur goboleedka IGAD ee uu muddada 10-ka sano ka badan ka maqnaa.

Eritrea ayaa joojisay xubinnimadeeda IGAD sanadkii 2007 kadib markii ay isku khilaafeen Itoobiya joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.

Sannadkii 2018-kii, Eritrea iyo Itoobiya waxay dib u soo ceshadeen xiriirkooda diblomaasiyadeed waxayna ku heshiiyeen in la soo afjaro colaadda sannado badan u dhexeysay.

Horseed Media