Ethiopia: Tigrayga oo sheegay inay soo rideen Diyaarad!

Published: November 30, 2020

Kooxda TPLF ayaa shaacisay inay soo rideen mid kamid ah diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Federaalka Itoobiya.

Warkan ayaa kusoo beegmay xili xoogaga TPLF isaga baxeen magaalada Maqalle Sabtidii lasoo dhaafay iyagoo go’aansaday inaysan ku dhex dagaalamin caasimadooda.

Hogaamiyaha Tigrayga (Debretsion Gebremichael) ayaa sheegay inay soo rideen diyaarada dagaal isla markaana nolol ku qabteen duuliyihii diyaaradaasi, wuxuu sidoo kale sheegay in Axadii shalay ay dib ulla wareegeen magaalada taariikhiga ah ee Axum.

Warbaahinta Tigrayga ayaa shaaciyey sawirada iyo muuqaalka diyaarada lasoo riday oo nooceeedu yahay Mig-23 iyo duuliyaha laga qabtay.

Dowlada Federaalka Itoobiya ayaan weli ka hadlin warkan kasoo baxay Tigrayga.

Xukuumada Abiy Ahmed oo sheegtay inay guud ahaan la wareegtay caasimada Tigrayga iyo magaalooyinka ku hareeraysan ayaa sheegay inay wadaan hawlgalo oo ay ku baadi-goobayaan hogaamiyayaashii iyo saraakiisha sare ee TPLF.

Khubarada la socota xaalada Itoobiya ayaa sheegay in Tigrayga ay doorbideen inay dagaal jabhadeyn ah la galaan ciidamada tirada badan ee Federaalka oo hada isku balaariyey gobalkaasi, hadii ay rumowdo hadalka kasoo baxay Tigrayga ayey noqoneysaa dagaal cusub oo ay wajahayso xukuumada Abiy Ahmed oo Sabtidii sheegtay inay soo afjartay dagaalkii ka socday ismaamulka Tigrayga.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *