Faah faahin dheeri ah ayaa ka soo baxday duqeyntii shalay ee Km60

Published: February 25, 2012

Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa duqeyn cirka ah oo shalay aroortii ka dhacday deegaanka km60 ee gobolka Sh/hoose, duqeyntaas oo lagu laayey dhowr sarakaal oo ka tirsanaa Al-qaacida.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Maraykanka ayaa wakaaladda wararka ee AP u xaqiijiyey in weerarkaas ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanku.

Dhinaca kale warbaahinta ku hadasha afka Al-qaacida ayaa baahisey magacyada qaar kamid ah raggii duqeyntaas ku geeriyoodey.

Waxaana kamid ahaa nin magaciisa Abu-cabdallah lagu sheegay oo ay dhalashiisu Maroccian tahay iyo Abu-bakar oo isna la sheegay in uu Soomaali ahaa.

Dhinaca kale mas’uuliyiin DKG ah ka tirsan ayaa sheegay in 4-tii nin ee duqeyntaas lagu diley uu ku jirey nin kale oo ajnebi ah kaas oo ay dhalashiidu Kenyan ahayd.

Waabergii shalay ayey ahayd markii 3-gaari oo ay saraakiil ka tirasn Al-qaacidada Soomaaliya wateen duqeyn cirka ah loogu geystey deegaanka Km60 ee gobolka SH/hoose.

Mana jirin cid ilaa shalay ka warqabtey cidda weerarkaas ka danbeysey iyo meesha ay diyaaradaha weerarkaas fuliyey ka yimaadeen.

 

Horseed Media