Fahad Yaasiin oo ka hadlay xogta ciidamadii tababarka loogu qaaday Eratariya

Published: June 13, 2022

Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo su’aalo laga waydiiyey ciidamadii Soomaalida ahaa ee tababarka loogu qaaday dalka Eretriya ayaa sheegay inay ciidamadaas sax yihiin oo ay ku maqan yihiin dalkaas.

Fahad Yaasiin oo diiday inuu tirada ciidamadaas sheego ayaa xusay in ciidamadaas ay dowladda Soomaaliya u dirtay inay soo qaataan tababar isla markaasna ay dhawaan dalka kusoo laaban doonaan.

Fahad Yaasiin oo wax laga waydiiyey sababta ay u doorteen in ciidamada loo qaado dalka Eretariya iyadoo la heli karo dowlado kale ayaa ku jawaabay

“horta adiga markaad baahi qabtid cidda ku siineyso ayaa laga qaataa, anaga baahida aan qabnay waxay aheyd in ciidamo naloo tababaro, marka dowladihii kale ee ciidamada noo tababarayey ma aqaan waxay ay Eretariya uga duwan tahay,”.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray “Eretariya waxay kamid tahay dowladaha bixiya tababarada ugu wanaagsan, weliba ciidamada aan geynay waxay siisay tababarkii ugu wanaagsanaa”.

Mar waxa laga waydiiyey waxyaabaha ciidamadaan loo tababaray ayuu yiri “waxaa loo tababaray qeybaha kala duwan ee ciidamada Militariga, waxaa lagu tababaray hub kala duwan, waxaa loo tababaray jir ahaan, waxay noqon doonaan hanta ay ummadda Soomaaliyeed sanado badan u aayi doonaan”.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *