Fahad Yaasiin Oo Kasoo Jawaabay Dalabkii Raysalwasaare Rooble

Published: September 5, 2021

Taliyaha hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yasin Xaaji Dahir ayaa kasoo jawaabey dalabkii Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo shaley 48 saac u qabtey in warbixin dhameystiran looga keeno dilkii Ikraam Tahliil oo aheyd gabar dhallinyaro ah oo u shaqeyneysey hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka.

Fahad Yaasiin Waqad u diray xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha, Wasiirka Amniga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka.

“ Hay’adda NISA waxay Madaxweynaha u dirtay codsi maaddama u yahay Guddoomiyaha golaha amniga qaranka si aan warbixinta ugu soo bandhigno golaha amniga qaranka oo wada dhan.” ayaa lagu yiri warkan kasoo baxay Taliyaha Nisa.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *