Fahad Yaasiin oo Mahad Salaad ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dilal & qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Published: June 12, 2022

Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa taliyaha cusub ee Hay’adaas Mahad Salaad ku eedeeyey inuu ka dambeeyey dilal iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho iyo magaalooyin kale oo ka tirsan Soomaaliya.

Fahad Yaasiin ayaa wareysi uu bixiyey ku sheegay in Mahad Salaad uu yahay nin u shaqeeyo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu fududeeyo howlaha ay kooxda Al-Shabaab ka fuliyaan Muqdisho iyo Soomaaliya.

Dilalka iyo qaraxyada uu Fahad Yaasiin ku eedeeyey inuu Mahad Salaad ka dambeeyo ayaa waxaa kamid ah inuu isku dayey inuu dilo mid ka mid ah ra’isul wasaarayaashii soo maray Soomaaliya, oo uu hadda sheegay inuu nool yahay balse uu ka gaabsaday inuu sheego magaciisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *