Fanaan BK oo Raaligelin Bixiyay,Bandhig Faneedna ku Qabanaya Muqdisho -DAAWO

Published: December 31, 2019

Fanaanka codka macaan ee Maxamed Siciid BK ayaa raaligalin iyo cudur daar ka bixiyay hadal uu ka yiri cariga ingiriiska kaasi oo kaga hadlay qaraxyada ka dhaca Somaliya gaar ahaan magaaladda Muqdisho.

Fanaanka ayaa waraysi uu siiyay telefishanka Universal wuxuu sheegay in hadalkiisa si khaldan loo fasirtay, raaligalina iyo tacsi uu dirayo qoysaska eheladooda ku waayay qarixii maalintii sabtidii ka dhacay isgoyska Ekiskontorool afgooye, qaraxaasi waxaa ku dhintay dad ka badan 80 qof, 175 qof dhaawacyo ayaa soo gaaray.

Fanaanku wuxuu kaloo sheegay in magaaladda Muqdisho tegi doono, islamarkaana uu ku qaban doono bandhig faneed, lacagta ka soo baxdana uu ugu deeqi doono ehelada dadkii wax ku noqday Qaraxa.

Dadka Soomaaliyeed ayaa aad uga carooday markii uu fanaanku uu ka sheegay bandhig faneed uu ku qabanay cariga ingiriiska haddii Shacabka Somaliyeed ee Muqdisho ay aqoonsadaan Somaliland in qaraxyada iyo dhibaatada ay ka bixi doonaan, hadalkaasi oo dad badani u qaateen inuu isku xiray aqoonsiga somaliland iyo qaraxyada

HALKAN KA DAAWO

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *