Fanaan Xudaydi Boqorkii Cuudka oo London ku geeriyooday.

Published: April 8, 2020

Maxamuud Ismaaciil Xuseen oo loo garan-ogyahay Xudaydi ayaa habeenimadii xalayto ku geeriyooda Magaalada london ee Dalka Xudaydi ayaa todobaadkaan yiilay cusbitaal ka dib markii uu haleelay caabuqa faafaya ee Covid-19.

Xudaydi ayaa dhawaan shaaciyay in uu fanka ka fariista ka dib mudo dheer oo uu ku jiray 1928 ayuu ku dhashay baadiyaha Berbera waxa uuna ku barbaaray Cadan, bilawgii fankiisu waxa uu ka hana-qaaday Isla cadan halkaas oo uu ka helay bilado abaal-marin ah.

Xudaysi waxa uu halgankii Soomaaliya kaga qayb-qaadan jiray suugaan kala duwan sidoo kale waxa erayo badan alifay waqtigii Soomaaliya ay xornimada qaadatay.

Xudaydi waxa uu ahaa Laxamiiste Musikiiste, Abwaan si wayn fanka soomaalida uga dhex-muuqda sidoo kale waxa uu caan ku ahaa tumista Heesaha qaaciga ah oo si wayn loo jeclaa waxa uuna sanadadii danbe ku noolaa Magaalada london.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *