Fanaanka caanka ah ee 50-Cent oo Soomaaliya soo gaarey [Sawiro]

Published: February 9, 2012

Fanaanka caanka ah ee qaada heesaha Rap-ka ee 50-cent ayaa soo gaarey koonfurta dalka Soomaaliya.

50-cent oo la socdey xubno hay’adda cunada aduunka ee WFP ka tirsan ayaa booqasho ku tegey degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wefdiga uu 50-cent qaybta ka ahaa ayaa intii ay Doolow ku sugnaayeen booqday xeryaha dadka soo barakacay iyo qaar kamid ah xarumaha waxbarashada.

Wuxuuna isagu si gaar ah xaaladooda ugala sheekeystey qaar kamid ah dadka deegaanka Dolow oo ay ku jireen caruur, dumar, dhalinyaro, iyo duqey.

Fanaankan oo ah mid dunida oo dhan caan ka ah ayaa kahor intii uusan dib dalka uga dhoofin la hadlay Saxaafadda, wuxuuna sheegay in ay jirto dhibaato nololeed oo haysta dadkii uu la kulmay.

Ma ahan markii ugu horeysey ee uu dalka Soomaaliya soo gaaro fanaan dunida caan ka ah, waxaana soo badanayey dadka caanka ah ee Soomaaliya imaanaya wixii ka danbeeyey booqashadii uu ra’iisul wasaaraha Turkiga Muqidisho sanadkii tegey kusoo gaarey.

Booqashada 50-cent uu ku yimid gobolka Gedo ayaa ah tii ugu horeyse ee abid uu ku soo gaaro dalka Soomaaliya, waxayna Soomaalida intooda badani isweydiinayaan waxa ku dhaliyey 50-cent in uu xiligan dalka Soomaaliya soo gaaro.

 

Horseed Media

┬®Sawirada: RM