Fanaanka Khadar Keeyow oo dib u helay Xoriyadiisa.

Published: January 21, 2020

Fanaanka Khadar Ibraahim Keeyow oo mudooyinkii danbe ku xirnaa Magaalada Adis-ababa ee xarunta Dalka Ethopia ayaa maanta dib u helay xoriyadiisa, Fanaan Keeyow ayaa loo haystay arimo la xiriira Passaporka uu ku safrayay. Khadar ayay dawlada Ethopia ku eedaysay in uu sifo sharci darro ah ku helay passaporka iyo dhalashada Dalka Ethopia.

Dawlada Soomaaliya gaar ahaan Safaarada Dalka Ethopia iyo xubno ka mid ah baarlamaanka Dalka Soomaaliya ayaa dadaal ku bixiyay sidii fanaankaan xoriyadiisa uu ku heli lahaa, Maanta ayaan laga soo daayay xabsiga, xaaladiisa caafimaad ayaana wanaagsan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *