Fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo ku geeriyooday magaalada Addis-ababa

Published: December 27, 2022
Shares4

Alle ha u naxariisto waxaa magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ku geeriyooday fanaan Cabdinaasir Macallin Caydiid, halkaas oo xaalad caafimaad loogu qaaday.

Marxuunka ayaa la sheegay in muddo ah uu u jiifay xannuun, kaas oo ugu dambayntii xalay u geeriyooday.

Cabdinaasir Macallin Caydiid waxa uu ahaa laxamiste iyo heesaa qaaday heeso dhawr ah oo aad loo jacaylyahay.

 Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Cabdinaasir Macallin Caydiid.

Horseed Media