Faransiiska oo qalab Mileteri ugu deeqay ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya

Published: February 27, 2012

Taliska ciidamada Faransiiska ee fadhigoodu uu yahay dalka Gabon ayaa maanta shaaciyey in ay qalab Mileteri ugu deeqeen ciidamada Burundi ee nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho ee xarutna dalka Soomaaliya.

Gen. Jean Jacques oo ah taliyaha ciidamada Faransiiska ee jooga dalka Gabon ayaa sheegay in qalabka ay ciidamada Burundi ku wareejiyeeni uu yahay mid wax badan ka anfici doona.

Wuxuuna intaas ku daray in qalabkan Mileteri ee ay ciidamada Burundi ka jooga dalka Soomaaliya ugu yabooheen uu ka kooban yahay Jaakado iyo koofiyado kuwa xabadda celiya ah.

Tirada agabkan Mileteri ee uu Faransiisku ciidamada Burundi soo gaarsiiyey ayaa ka kooban 890-jaakadaha xabadda celiya ah iyo tiro intaas le’eg oo Koofiyadaha ciidamda ee birta ka samaysan ah.

Gen. Godefroid Niyombare oo isna ah taliyaha ciidamada qalabka sida ee Burundi ayaa uga mahad celiyey dowladda Faransiiska deeqdan ay ciidamada Burundi soo gaarsiisey wuxuuna sheegay in qalabkan loo qaybin doono guuto kale oo ciidamada Burundi ka tirsan kuwaasoo dhowaan Soomaaliya iman doona.

Ciidamada Burundi ee jooga magaalada Muqdisho oo bilo kahor ay Shabaabku tiro aad u badan ka laayeen ayaa qayb kaah 12,000 oo askari oo ka socda midowga Africa kuwaas oo dhowaan golaha ammaanku uu ansixiyey qaraar tiradooda 17,000 looga dhigayo.

 

Horseed Media