Farmaajo iyo Uhuru oo Khadka Telefoonka ku Wadahadlay

Published: March 5, 2020

Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

Wadahadalada labada madaxweyne ayaa imaanaya kadib markii dowladaha Kenya iyo Somaliya ay mid mida kale ku eedaysay inay ku soo xadgudubtay arrimaha gudaheeda iyo sharafta dhuleed, iyadoo ay u dambaysay eedayntii ka timid dhinac kenya maalintii shalay.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo ciidamo daacad u ah Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid janna ayaa maalintii isniintii ku dagaalamay magaaladda Beledxaawo, ciidamadii uu hoggaaminayay Jannan ayaa u baxsaday dhinac kenya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *