Farmaajo oo aqbalay ololaha ay taageerayaashiisu ugu dhisayaan guri

Published: June 5, 2022

Agaasimihii hore Warfaafinta ee Madaxyooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu aqbalay ololaha ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhisayaan guriga.

Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay in fekradda gurigan looga dhisayo Magaalada Muqdisho ay ka timid shacabka Soomaaliyeed, si loogu abaalmariyo sida uu yiri Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Bulshada Soomaaliyeed ay garteen muddadii uu Madaxweynuhu talinayay in uu aad iyo aad ugu ilaaliyay ammaanadii qaran ee loo dhiibtay, sidaas darteedna hadda guriga loogu dhisayo.

Ugu dambeyn Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa shaaciyey in wejiga hore ee ololaha lacagta loogu uruurinayo dhismaha gurigan uu socon doono muddo bil ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa looga adkaaday tartankii doorashada madaxtinimada dalka ee 15-kii bishii hore ee May ka dhacday Magaalada Muqdisho, iyadoona uu xafiiska wareejiyay 23-kii bishaasi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *