Farmaajo oo Garoowe si weyn loogu soo dhoweeyey

Published: March 21, 2024

Madaxweynihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta lagu soo dhoweeyey caasimadda Garoowe.

Wafdiga Madaxweyne hore Farmaajo ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Maxamed Abshir, Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland, madaxda golayaasha dowladda iyo masuuliyiin kale.

Socdaalka wafdiga madaxweynihii hore ayaa ku soo beegmaya xili uu si ba’an uga soo horjeedo nidaamka uu ku socdo waxka beddelka dastuurka Federaalka, kaas oo Puntland banaanka ay ka joogto.

Horseed Media