Farmaajo oo ka qeybgalay Salaadda janaasadda Marxuum Maxamed Cumar Saalixi

Published: September 3, 2021

Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka ku tukaday salaadda janaasada ee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi oo lagu aasay Qabuuraha Sheekh Suufi ee Degmada Warta Nabadda.

Marxuumka oo ahaa halyey ku suntanaa dal-jacayl, hawl-karnimo iyo waddaniyad, ayaa door weyn ka soo qaatay difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, isaga oo ka tirsanaa, laf-dhabarna u ahaa Guddiga Qaran ee Difaaca Baddeenna.

“Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cumar Saalixi waxa uu ahaa khabiir ku takhasusay maababka badaha iyo dhulka, isaga oo aqoontiisii iyo waayo aragnimadiisii uga faa’iideeyey difaaca baddeenna. Waxa uu ahaa shaqsiga soo ururiyey wixii maabab iyo heshiisyo ahaa ee ku saabsan baddeenna, kuwaas oo inaga lumay xilligii burburka.”

Farmaajo iyo masuuliyiinta kale ee Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *