Finland oo Soomaaliya kala hadashey dagaalka Ruuska iyo Ukraine!

Published: April 8, 2023
Shares6

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Finland, Pekka Haavisto, oo maalintii Jimciha booqasho ku tegey magaalada Muqdisho, ayaa kala hadlay taageerada Soomaaliya sidii ay beesha caalamka ugala shaqeyn lahayd dagaalka Ruushku ku hayo Ukriane, sida lagu qorey websiteka YLE ee telefishanka dalka Finland.

Wasiirka arrimaha dibadda Pekka Haavisto (Green) ayaa Jimcihii booqasho ku tagay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale wasiirro kale oo muhiim ah.

“Waxaan la socodsiiyay madaxda Soomaaliya muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka taageerto beesha caalamka dadaallada lagu soo afjarayo duullaanka Ruushka ee Ukraine,” ayuu Haavisto ku yiri hadal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Finland.

Marka laga soo tago duulaanka uu Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, waxaa sidoo kale ajandayaasha ka mid ahaa xiriirka labada dal ee Finland iyo Soomaaliya, sidoo kale waxaa shirka looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo nabadeynta Soomaaliya iyo Geeska Afrika, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Qurba-joogta Soomaaliyeed ee Finland waxay ka qayb qaataan dib u dhiska Soomaaliya iyo horumarinta xiriirka ka dhexeeya dalalkeenna,”

Pekka haavisto

Ruushaka ayaa taageero weyn ku dhex leh dalalka Afrikaanka ah, marka laga hadlaayo duulaanka uu ku qaadey Ukriane Sanadkii hore, taageerada ugu weyn ayaa ah marka ay socoto doodaha fadhiyada Qaramada Midoobey.

Pekka Haavisto ayaa dhawaan xilka ka degaya, kadib markii xisbigiisa looga adkaadey doorashadii dhawaan ka dhacdey dalka Finland, waxaana uu marayaa dalal dhawr ah oo Afrikaan ah. Pekka Haavisto ayaa lagu wadaa in uu isu soo sharaxo xilka Madaxweynaha Finland oo ay ka harsan tahay bilo.

Horseed media