Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Muqdisho

Published: April 7, 2023
Shares10

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland Pekka Haavisto oo booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Xukuumadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay dhiggiisa Finland Pekka Haavisto.

“Wada hadallo hordhac ah oon yeelanay waxaan  bogaadiyay kaalinta dowladda Finland ee nabad dhiska, xasiloonada iyo martigelinta muwaadiniin Soomaaliyeed oo fara badan” ayuu yiri Wasiir Huruuse.

Wafdiga Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin kale oo laamaha dowladda ah, waxayna booqan doonaan xarumo kala duwan.

Horseed Media