Gaalkacyo: Horyaalka Puntland oo ka socda magaalooyinka waaweyn – VIDEO

Published: January 15, 2017

Kooxda Somtel
Ciyaaraha Horyaalka Puntland ee bishan la furay ayaa si habsamileh uga bilowday magaalooyinka waaweyn ee deegaanada Puntland.

Horyaalkan oo ay ka qeyb qaadanayaan 9 kooxood ee Naadiyada heerka kowaad ee ka dhisan Puntland ayaa ah kii ugu horeeyey oo noociisa ah oo dalka Soomaaliya laga hirgeliyo, iyadoo horey ciyaaraha horyaalka uga dhici jireen magaalada Muqdisho oo kaliya.

Kooxaha ku loolamaya koobka horyaalka Puntland ayaa mid waliba ku dheeli doonta magaalada Xarunta u ah isla markaana booqan doonta kooxaha kale ee horyaalka ku jira magaalooyinka ay ka dhisan yihiin.

Ciyaarihii ugu horeeyey oo todobaadkii hore ka dhacay magaalada Garowe oo ay ka dhacday munaasabadii furitaanka, ayaa hada ciyaaraha usoo wareegeen magaalooyinka waaweyn ee kooxaha ka dhisan yihiin.

Qardho FC
Kulmadii ugu danbeeyey ayaa ka dhacay magaalooyinka Qardho, Gaalkacyo iyo Garowe, waxaana kamid ahaa kulan Qardho ku dhexmaray kooxda Bosaso FC oo ka dhisan caasimada Bar iyo kooxda Qardho City oo marti loo ahaa ciyaartaasi oo ay markii ugu horeysay guul ku heshay kooxda Qardho oo 1 gool ku baday, guushaasi oo muhiim u ahayd maadaama horey looga soo badiyey kooxdaasi.

Magaalada Gaalkacyo ayey sidoo kale ku kulmeen kooxaha Somtel iyo Comsed ee magaaladaasi ka wada dhisan, ciyaartaasi oo ku dhamaatay barbardhac 2-2.

Maanta oo Axad ah ayey ciyaaro ka dhacay magaalooyinka Bosaaso, Garowe iyo Gaalkacyo ku kulmi doonaan kooxaha Bari vs Qardho City, Horseed vs Garowe City iyo Comsed vs Homboboro.


Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *