Gabar Soomaaliyeed Oo Ku Guuleysatay Abaalmarinta German Africa Prize

Published: October 20, 2020

Ilwad Elman oo ah gabadh Soomaaliyeed oo u ololeysa nabadda ayaa sanadkan 2020 ku guulaysatay Abaalmarin caalami ah oo la siiyo shaqsiyaadka ugu firfircoon qaaradda Afrika taas oo ay bixiso hay’adda Jarmal-Afrika Foundation.

Ilwad oo madax ka ah hay’adda Elman oo u ololaysa ilaalinta xuquuqda Aadanaha ayaa lagu sharfi doona abaalmarinta shaqsiga ugu firfircoon Afrika dhammaadka bishan magaalada Berlin, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka, Heiko Maas.

Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya bilowgii 1990-kii ayuu Elman Cali Axmed oo ah aabaha Ilwad wuxuu sameeyey xarun dhaqan-celin oo lagu wax lagu baro carruurta Soomaaliyeed ee agoomaha ah iyo kuwa la askareeyey,1996-kii ayuu ku dhintay Muqdisho isagoo hawshaas wada.

Abaalmarinta Afrika waa abaalmarinta ugu sareysa ee nooceeda ah ee Jarmalka bixiyo. Ujeedadeeda laga leeyahay waxay tahay in lagu muujiyo muuqaalka wanaagsan ee Afrika.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Dagaalkii Sokeeye ee Soomaaliya bilowgii 1990-kii ayuu Elman Cali Axmed oo ah aabaha Ilwad wuxuu sameeyey xarun dhaqan-celin oo lagu wax lagu baro carruurta Soomaaliyeed ee agoomaha ah iyo kuwa la askareeyey,1996-kii ayuu ku dhintay Muqdisho isagoo hawshaas wada.

    Abaalmarinta Afrika waa abaalmarinta ugu sareysa ee nooceeda ah ee Jarmalka bixiyo. Ujeedadeeda laga leeyahay waxay tahay in lagu muujiyo muuqaalka wanaagsan ee Afrika.