Gabar u ololaysa Mataanaynta Qardho iyo Boston oo maanta Qardho lagu soo dhaweeyay.

Published: March 12, 2020
Soo dhawaynta Deeqo Jibriil ee Qardho.

Deeqo Jibriil oo ah Gabar ku dhaqan Magaalada Boston ee Dalka maraykanka sidoo kalena horay ugu tartay Xildhibaan ayaa Maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Qardho, Deeqo ayaa sanadadii lasoo dhaafay ka shaqaynaysay sidii loo midayn-lahaa magaalooyinka Boston iyo Qardho.

Sanadkii aan kasoo gudub-nay ee 2019 ayuu si wayn barnaamijkaan u hana-qaaday waxaana si toos ah laysugu xiray maamulka Degmada Qardho iyo kan Boston, Maamulada Iskuulada Bosto iyo Qardho iyo ugu danbayn oo si toos ah loo wada-hadalsiiyay Ardayda dhigata dugsigga Sheekh-Osman iyo dugsi ku yaala Boston.

Ardayda Qardho oo si toos ah ula hadlay kuwa Boston

Cabdilaahi Maxamuud Maxamed oo ka mid ah dhalinyarad sida-wayn uga shaqyanaya Barnaamijka iyo Deeqo Jibriil ayaa maanta soo gaaray Magaalada Qardho, waxaan waftiga qayb ka ahaa Xildhibaan Xaamud Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland, Agaasimaha xiriirka jaaliyada Cumar Shire iyo Nadifa Mohamed oo ka socotay Wasaarada Arimaha Gudaha, ugu horayn waxay booqdeen dugsiyadda sare ee Qardho qaarkood iyagoo u kuur-galay hanaanka ay u socoto waxbarashadu, waxay warbixino ka dhagaysteen maamulka, macalimiinta iyo ardayda iskuulka.

Xildhibaan Xaamud iyo Deeqa Jibriil oo ardayda la hadlaya.

Waftiga ayaa ugu danbayn ka qaybgalay xaflad lagu daah-furayo barnaamijka lagu mataanaynayo Boston iyo Qardho, Maamulka Dawlada iyo Bulshada Rayidka ah ayaa si wayn ugu mahad-celiyay teamkii ka shaqaynayay sidii barnaamijka u hirgeli-lahaa, waxay Deeqo ku bogaadiyeen Dhabar-adayga iyo dadaalka ay bixisay.

Deeqo Jibriil oo madasha ka hadashay waxay sheegtay in waqti dheer ay waddeen barnaamijkaa, caqabado badan lasoo kulmeen balse maanta uu heerkii ugu wanaagsanaa marayo, waxay xustay in dhawaan ay rajaynayaan in barnaamijkaan ay balaariyaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *