Galkacayo: Puntland oo Xirtay 4 Dugsi Sare

Published: September 2, 2020

Wararka ka imaanaya magaaladda Galkacayo ayaa sheegayaa in dowladda Puntland ay albaabada isugu laabtay 4 Dugsi sare oo ku yaal waqooyiga Magaaladda Galkacayo,

Dowladda ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabtay Maamulayaashii Dugsiyadaas maanta la albaabada la isugu laabay iyo Hal macalin.

Axmed Huruuse oo ah Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay 4 dugsi sare ee ay maanta xireen laga soo gudbiyay dacwo, waxaana uu ku tilmaamay dugsiyo fowda ah.

Dugsiyasada oo kala aha Dugsiga sare ee Hormuud, Cabdullaahi Yuusuf, National iyo dugsiyada sare ee Waaberi ayaa eedaha kale ee loo soo jeediyay waxaa ka mid ah inaysan tayo lahayn,

” Iskuuladan ma aha kuwa sharci ah oo nidaamka Puntland lagu fasaxay, oo shuruudihii wasaarada buuxiyay. in arday qoronayo oo fowdo wado uun baa la ogaaday” Sidaas waxaa yiri guddoonka waxbarashada Mudug

Go’aanka Puntland ay ku xirtay 4 dugsi sare ayaa ku soo beegmaysa iyadoo maanta Magaaladda Muqdisho uu madaxweynaha dowladda federaalka uu ka daahfuray Manhajka Waxbarashada Qaranka ee Dugsiga Sare ee Somaliya.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *