Galmudug: Dagaal culus oo ka socda Deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud

Published: November 7, 2022
Shares6

Ururka Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka dhowr jiho ka soo weeraray fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ku leeyihiin Deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud.

Qaraxyo waaweyn ayaa xilligii Salaadda Subax laga maqlay deegaankaasi, waxaana xigay weerar toos ah oo Shabaabku ku ekeeyeen xeryaha ciidamada.

Wararka ka imaanaya deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo deegaankaasi.

Qaayib ayaa 30km u jirto Degmada Baxdo, waxayna wararka sheegayaan in isgaarsiinteedu ay aad ciriiri u tahay.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa goor dhow gurmad ahaan uga baxay Degmada Baxdo.

Weerarkan ayaa imaanaya, xill Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ay 25-kii bishii October dagaal culus kula wareegeen deegaankaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa saldhig weyn ku lahaa Qaayib, oo dhowr iyo toban sano ay ka arriminayeen.

Horseed Media