Galmudug oo sheegtay in ay la wareegtay Guriceel

Published: October 27, 2021

Kadib dagaal xoogan oo markale xalay ka dhacay degmada Guriceel, ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta goobihii ay maalmahan ka dagaallamayeen Kooxda Ahlu sunna.

Sida ah sheegeen Saraakiisha Ciidanka dowladda ,maleeshiyaadka Ahlu sunna ee ku sugnaa halka loo yaqaan Jaamacadda ayaa u ruqaansaday deegaanka loo yaqaan God-wiil oo dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Guriceel.

Labo gaari oo nooca Cabdi bilaha,horeyna ay u lahaayeen Ciidamada Galmudug ayay kaga carareen dhufeysada dagaalka halka ay ka baxeen ee Jaamacadda.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *