Ganacsatada Muqdisho oo Loogu Baaqay Inay Joojiyaan Lacagaha ay siiyaan Shabaab

Published: January 2, 2020

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ka hadlayay banaanbax ka dhacay magaaladda Muqdisho kaasi oo looga soo horjeedo ururka Alshabaab ayaa baaq u diray ganacsatada Magaaladda Muqdisho.

Wuxuu u sheegay Dadka hantiilayaasha iyo ganacsatada in ay ogaadaan Lacagaha baadda ah ee laga qaado in lagu baabi’inayo Uabadkooda, wuxuuna ugu baaqay in ay iska diidaan dhaca ay ku hayaan Kooxda Al-Shabaab, isagoo sidoo kale Macallimiinta Dugsiyda ugu usoo jeediyay in ay Ardayda baraan Cadowgooda.

“Kama hari doonno kuwa Ubadkeenna iyo Ciidamadeenna sidaas u galay, waanan ka hadlay arrintaasi oo waxaan iri “ma ooyi doonnee waan aarsanaynaa.

Cumar Filish waxaa uu wacad ku maray in aysan ka hari doonin kuwa Ciidamada iyo Ubadka Soomaaliyeed sidaa u galay, Maalin walbana aysan ooyi doonin balse taasi dhiggeeda ay ka aarsan doonaan cadowga.

28-kii Desembar 2019 ayay ahayd markii qarax xooggan oo galaaftan nolosha ku dhowaad 80 Qof ay Kooxda Al-Shabaab ka geysatay Ex-Kontarool Afgooye.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *