Garowe: Madaxweyaha Puntland Siciid Deni oo magacaabay Wasiiro cusub

Published: September 10, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa maanta wareegto uu soo saaray, ku magacaabay Wasiirro cusub oo ka tirsan Golaha Xukuumadiisa.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland u magacaabay Cabdifataax Maxamed Cabdinuur.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Maxamed Cabdirisaaq Dayib u magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland.

Ugu dameyn wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu yiri “Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.”

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *