Garowe: Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay qaar kamid ah Isimada Puntland

Published: August 29, 2022

Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka Madaxweynaha ee Isimada iyo waxgaradka Puntland waxaa ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tan iyo Khamiistii ku sugan Magaalada Garoowe ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, isagoo kulanka uu noqonayo kii laabaad.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *