Gaza: Tiradda dhimashada shacabka oo kor u dhaaftay 35.000

Published: May 12, 2024

Dhimashada Falastiiniyiinta ee weerarka joogtada ah ee Israel ku hayso Marinka Gaza ayaa gaartay 35,034 qof, tiradda dhaawaca ayaa mareysa in ka badan 78.755, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee maamulka Falastiin.

Weerarada Israa’iil ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaa ku dhintay 63 qof, waxaana ku dhaawacmay 114 kale.

Ciidamada Israa’iil ee gudaha u galay qeybo kamid ah magaalada Rafah ee koonfurta Gaza ayaa iska caabin xoogan kala kulmay dagaalyahanada Falastiin.

Israa’iil ayaa weerar horleh ku qaado xerada Qaxootiga ee Jabaliya oo ku taal Waqooyiga Gaza, halkaasi oo ay xalay la beegsatay duqeyn xoogleh. Israa’iil ayaa ku dooday in xoogaga Xamaas ay sare u qaadeen dhaq-dhaqaaqa ay ka wadaan waqooyiga Gaza oo ay horey Israa’iil u sheegtay inay la wareegtay.

Sidoo kale Bariga Gaza ee magaalada Al Saytuun ayaa kamid ah goobaha ay dagaalada xoogan ka dhaceen 24kii saac ee lasoo dhaafay. Tani ayaa muujineysa in xoogaga Falastiiniyiinta ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan guud ahaan dhulka Marinka Gaza.

Dhinaca kale Xamaas ayaa sheegtay inuu dhintay mid kamid ah la’haysataaysha Israa’iil oo ay gacanta ku hayeen kadib dhaawac kasoo gaaray duqeynta, ninkaasi ayey muuqaalkiisa shalay baahiyeen.

Horseed Media