Gen. Asad Cismaan Cabdullaahi oo rasmi ah ula wareegay Xilka Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Published: October 1, 2024

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuur galay hannaanka shaqo ee Hoggaanada iyo Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Boliiska, wuxuuna Wasiir halkaas ugu Kala wareejiyey Galka Guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Waxaana si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaa Cabdulaahi.

Taliyaha ayaa faray Saraakiisha in ay dardar galiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Horseed Media