Gobolka Nugaal ayaa ku guuleystey ciyaarihii gobolada Puntland 2023

Published: September 18, 2023
Shares60

Xulka kubadda cagta ee goolka Nugaal ayaa galabta gaarey guul taariikhi ah kadib markii ay ku guuleysteen ciyaarta kama danbeysta oo tartanka horyaalaka gobolada Puntland.

Ciyaaraha gobolada Puntland ayaa socdey 18 maalmood waxaa ka qaybgalay 8 gobol oo kala ah:

  • Bari
  • Raascasayr
  • Karkaar
  • Sanaag
  • Haylaan
  • Nugaal
  • Mudug
  • Cayn

Ciyaarta kama danbeysta waxaa isugu soo harey xulka kubadda cagta ee gobolka Mudug oo martigeliyey koobkan iyo xulka kubadda cagta ee gobolka Nugaal

Ciyaartan ayaa ahayd mid aad u adag oo labada kooxood ay aad u adkeeyeen difaacooda, taas oo keentey in ciyaarto ku dhamaato barbaro.

Gobolka Nugaal ayaa ku guuleystey rigoorayaal, kadib marki gobolka Nugaal ka faa’ideysan waayey furasadoodi.

Ciyaarahan ayaa ahaa kuwo xamaasad lahaa waxaana magaalada Gaalkacyo buux dhaafiyey taageerayaasha iyo dhaliyaro badan oo isaga yimid gobolada kala duwan ee Puntland.

Markii ciyaartu dhamaatey waxaa dabaaldeg xoog leh ka bilowdey magaalada Garoowe, dhalinyaro aad u faraxsan ayaa isugu soo baxay barxadda Garoowe halkaas oo ilaa fiidmiadii ay ka socotey dabaaldegu.

Sanadkii 2014 ayaa goolka Nugaal ugu danbeysey guul ay ka gaaraan ciyaaraha gobolada, sanadkii 2020 waxay soo gaareen Finalka waxaase ku guuleystey gobolka Haylaan.

Horseed Media