Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo oo doortey Guddoomiye

Published: August 1, 2023

Golaha Dhexe ee mamaulka SSC-Khaatumo oo ka kooban 45 xubnood ayaa maanta doortey guddoomiyahooda.

Guddoomiyaha cusub ee SSC- Khaatumo Jaamac yaasiin

Doorashada Guddoomyaha Guddiga Golaha Dhexe ee SSC-Khaatumo waxaa ka soo qaybgalay Garaadada iyo cuqaasha oo buddhig u ah mamaulkaas, tan iyo markii Somaliland aga saarey Laas-caanood.

Guddoomiyaha Golaha dhexe ee SSC-Khaatumo waxa u tartamay laba musharrax oo kala ah Jaamac Yaasiin Warsame iyo Maxamuud Yuusuf Xasan.

Jaamac Yaasiin ayaa helay 25 cod halka ninka la tartamaayey ee Maxamuud Yusuf helay 20 cod oo keliya.

Golaha Dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo ee fadhigoodu yahay Laascaanood ayaa loo dhisey sida qaab baarlaaan, waxaana ay maamulayaan SSC.

Bishii febaraayo 2023 ayey ahayd markii si rasmi ah Somaliland looga saarey magaalada Laascaanood, waxaana ciidankoodi isugu geeyeen Goojacade halkaas oo ay duqeymo ku hayaan magaalada Laas caanood.

Horseed media