Golaha Wadatashiga oo isku raacay in 15 Maarso la soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka

Published: February 25, 2022

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya ayaa yeeshay Kulam  fogaan arag ah oo looga hadlay qodobo dhowr ah oo khuseeya xaaladda dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Kulankaan oo uu shir guddoominaayey R.wasaare Rooble ,waxaa ka qeybgalay madaxweynayaasha DSowlad Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaga Gobolka Banaadir,iyadoo  looga hadlay ajeendayaal ay ka mid ahaayeen xaaladda doorashada,Xal u helista caqabada jira ,soo gabagabeyta doorashada iyo abaaraha ba’an ee ka jira dalka.

Golaha wadatashiga dood iyo falanqeyn ka dib,waxa ay isku raaceen in  15 Maarso la soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *